Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Booqday Xarunta Idaacadda iyo TV-ga Codka Bay...

Sawiro;-Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo Booqday Xarunta Idaacadda iyo TV-ga Codka Bay & Bakool

2
0

Isniin 23 Nov 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Nuur Siidow Baba, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cumar Mustafa Nuur, ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Idaacadda iyo Telefishinka Codka Bay & Bakool.

Wasiirka waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guud ee Idaacadda, Mudane Muxidiin Xasan Xusni, Madaxa Shaqaalaha iyo qaar ka mid ah hawlwadeennada warbaahinta.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa intii ay booqashadu socotay u kuurgalay xaaladda shaqo ee Idaacadda iyo Telefishinka, qaabka ay u gudanayaan waajibaadkooda warbaahineed iyo caqabadaha ka jira howlaha ay bulshada u hayaan.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee lagu qiimeynayo xaaladda warbaahinta ka howlgasha deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo warbaahinta, iyo horumarinta adeegyada warbaahineed ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here