Home WARARKA MAANTA Shirka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo dib u dhac lama filaan ah...

Shirka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka oo dib u dhac lama filaan ah ku yimid

89
0

Arbaco 07, May 2025 {CBB}Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in shirweynihii ururka ee lagu waday in lagu qabto magaalada Muqdisho uu dib u dhacay, sida lagu sheegay warqad wargelin ah oo loo diray ergadii casuumaadda heshay.

 

Sida lagu xusay qoraalka, munaasabadda shirweynaha ayaa baaqatay iyadoo aan la cayimin waqtiga cusub ee la qaban doono. Ururka ayaa cudur daar ka bixiyay dib-u-dhaca, waxaana la filayaa in waqti iyo goob cusub oo rasmi ah dib laga shaaciyo.

 

Warar madax-bannaan ayaa tilmaamaya in dib u dhigista ay la xiriirto arrimo farsamo iyo wada-tashi la sheegay inuu socdo oo la xiriira Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Koofur Galbeed, oo la rumeysan yahay in ururku ka doonayo door muhiim ah, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn sababta rasmiga ah ee baaqashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here