Home WARARKA MAANTA Dood Wadaag Looga hadlayo Maamulka Hagaajinta Maxaliga ah Oo ka Furmey Baraawe

Dood Wadaag Looga hadlayo Maamulka Hagaajinta Maxaliga ah Oo ka Furmey Baraawe

46
0

Arbaco, 28 May 2025 {CBB}Magaalada Baraawe Ee Caasimadda Dowladda Gobleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah looga daahfuray Barnaamijka Maamulka Hoggaaminta Maxalliga ah, kaas oo qayb ka ah barnaamijka DOWLAD-KAAB ee ay taageerto hay’adda UN Habitat.

Barnaamijkan ayaa xooga saaraya xoojinta awoodda maamulka deegaanka, maaraynta khilaafaadka, iyo kor u qaadista ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka dowlad-dhisidda. Ujeeddadiisu waa in la tayeyno adeegyada dowladaha hoose si bulshada loogu adeego si hufan oo waxtar leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here