Arbaco 10 july 2024 {CBB}Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ee Degmada Luuq ee Gobolka Gedo u tagay xal u helista dagaal-beeleedka ka dhacay Degmadaas ayaa billaabay kulamo gaar-gaar ah.
Ergadaan isugu jirta heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed ayaa ugu horreyn Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Dagaalamaya oo si hordhac ah isku arkeen ay kawada hadleen sida loo gaari karo xal-waara oo dib usoo celin kara Nabadda & is dhexgalka labada Beel.
Maanta ayaa lagu wadaa in kulan weyne ay isugu tagaan meel kamid ah Degmada Luuq ee Gobolka Gedo si ay u saldhigaan xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Degmadaas si kaddib looga wada-hadlo dhibaatada ka dhalatay dirirta dhex-martay labada Dhinac.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhankiisa waxa uu Odoyaasha u ballanqaaday in gacan adag lagu qaban doonno maleeshiyaadka dagaalamay si aanay markale u dagaalamin.