Talaado 16 July 2024 {CBB}–LCiidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahaan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa Howlgal Sifeyn ah waxay kasameyeen Degaanada Dhaca Buuraleyda iyo Dhulka Hoodka ah ee Kala Qeybiya gobolada Baay Iyo Bokool waxaana Howlgalkaan uu Hogaaminayey Taliyaha Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed Dhame Ahmed Sheikh Abdi Raxmaan .
Hool-Gal gan Gaar aha waxaa Sidoo kale lagu Bur -Buriyay Goobo Maleshiyadka khawaarijta Ay U Ahayt maktabka Diwaan Galinta Maleshiyadka iyo Degaano Qaar oo maleshiyada Ay Ku Qaadayen Lacago Baad ah
Oo ay ka Qaadan jireen Dadka Soomaaliyed oo isticmaalayen Wadooyinka Baay Bokool iyo Gobalka Gado.
Taliyaha Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS Dhame Ahmed Sheikh Abdi Raxmaan ayaa Warbaahinta U Xaqiijiyey in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed aywali kusugan yihiin Goobaha ay Ciidamadu Bur’Burin ku sameyeen .