Home WARARKA MAANTA Abaabul Xoogan oo Ka Soconayo Dgmada Maxaas iyo Cali Jeyte oo Gaaray

Abaabul Xoogan oo Ka Soconayo Dgmada Maxaas iyo Cali Jeyte oo Gaaray

26
0

Talaado , 08 Jully 2025 {CBB} Waxaa Degmada Maxaas ka socda abaabul xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si looga saaro degmada Moqokori oo ay gacanta ku hayaan kadib dagaalkii ka dhacay Maalintii Shalay.

Waxaa magaalada Maxaas gaaray u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidamada Deegaanka, Cali Jeyte Cusmaan, oo caan ku ah hoggaaminta iyo abaabulka ciidanka deegaanka. Waxaa halkaas hore ugu sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad, waxaana wehlinaya Taliyaha Guutada 5-aad iyo saraakiil kale.

Waxaa socda kulamo u dhexeeya saraakiisha, maamulka gobolka, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Maxaas, kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii loo dardar-gelin lahaa qorshaha dagaalka iyo sidii kooxda AS looga saari lahaa degmada Moqokori.

Dhanka Kale Waxa la Xaqiijiyay Geerida Taliye Abdi Muumin Cilmi {Abdixiish} oo ka Mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Nabadsugidda, isla markaana ka qaybgalay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Moqokori isagoo hogaaminayay ciidamo Ka Tirsan Nabad Sugida Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here