Home WARARKA MAANTA Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku baaqay in la garab istaago Maamulka...

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku baaqay in la garab istaago Maamulka Waqooyi bari

37
0

Sabtii 30-Aug 2025 {CBB}Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku baaqay in la garab istaago Maamulka Waqooyi bari oo ka shaqeynaya danaha bulshada ku mideysan gobollada uu u magacaaban yahay, waxa uu intaas ku daray in xaalado adag loosoo maray horumar halka maanta la joogo.

Garaadka ayaa sheegay in ay jiraan Dad ka shaqeynaya sidii loo kala furfuri lahaa Bulshada Gobollada Sool, Sanaag & Togdheer oo isla gartay in ay sameystaan maamul ka madaxbannaan Somaliland oo waqti iyo duruufo adag loosoo maray halgankiisa.

Midnimo ayuu ku baaqay iyo in laga wada hadlo tabashooyin weliba oo jira, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa dalbaday in la dhinac istaago Maamulka Waqooyi bari oo laga rajeynayo in uu buuxiyo baahiyaha bulshadu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here