Khamiis 4 Sep 2025 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dal ku galka dadka Ajanabiga ah lagu siin jiray Gudaha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tillaabadaasi oo daba socota go’aanka 1 da bishaan lagu hirgaliyay Barnaamijka Fiisaha Electrooniga ee (E-VISA)
Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah dadka rakaabka caalamiga ah ayaan loo ogalaaneyn in ay soo galaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo aan wadan Fiisaha Elektarooniga (E-VISA), halka hore dalgalka loogu siin jiray gudaha Garoonka.
Xogta la helay ayaa tilmaameysa in dalalka qaar sida Muwadniinta wata Baasaboorada Rwanda iyo Malaysia si ka duwan dadka ajanabiga ah loola dhaqmi doono, isla markaasna ay gudaha garoonka ku heli karaan Fiisaha.
Labadaan dal ayaa waxaa xiriir iskaashi oo dhinaca socdaalka ah kala dhaxeeya Soomaaliya, iyagoo si lamid ah Muwadiniinta Soomaalida gudaha garoonka lagu siiyo Dalka ku galka Maleysia iyo Rwanda.
Si lamid ah muwaadiniinta dalalka Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Mauritania, Tansaaniya, Uganda, Aljeeriya, Liibiya, Tuunis, Masar iyo Qomoros ayaa sidoo kale heli kara Fiisaha, iyagoo aan soo dalban.
Tillaabadan dowladda ku hirgalisay Fiisaha Electeroogiga ayaa saameyn doonta dadka Soomaalida ee haysta jinsiyada dalalka kale sida Mareykanka ama Yurub.







