Sabtii 27 July 2024 {CBB}–Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorshadii ka dhacday Magaalooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan waxaana isla xalay la ansixiyay Xildhibaannada kusoo baxay codbixintaas.
Xisbiga KAAH ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa helay kuraas badan oo kamid ah Saddexdaan Degmo codadkii laga dhiibtay sida ka muuqata jaantuska natiijada ee Guddiga Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland Shaaciyay.
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa isla xalay Ansixiyay xubnahaas kusoo baxay Doorashada codeyntii ay sameeyeen Dadweynaha iska diiwaangeliyay Degmooyinka Garoowe, Dangorayo & Godobjiiraan sida lagu yiri war lagu daabacay barta PEC.
Halkaan ka aqriso sida Codadka loo kala helay:-
Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kahor codeynta doorashada haatan la shaaciyay natiijadeeda waxa uu xoogga saaray Ololaha uu taageerrada ugu raadinayo Xisbiga KAAH.