Sabtii 27 July 2024 {CBB}–Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka koonfurgalbeed Maxamed Cusmaan Cabdi ayaa daahfuray qorshaha tallaalka gaarista ama ka dabategista carruurta ka yar 5 sano ee aan weligood qaadan ama dhamaystiran tallaalka.
Munaasabada daahfurka ayaa waxaa ka soo qeybagalay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka, madax ka socotay Hay’adaha UNICEF, WHO, SOS iyo marti sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka koonfurgalbeed Maxamed Cusmaan Xaaji oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada hindisahaan oo xooga saaraya in la yareeyo carruurta ka yar shan sano ee aan qaadan tallaalka ama dhameystiran, guud ahaanna laga bilaabay degmooyinka iyo deegaanada KGS.
Madaxweynaha Dowladda gobaleeka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo si rasmi ah u daahfuray ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan tallaalkan si guud ahna loo tallaalo dhammaan carruurta ka yar shanta sano ee aan qaadan tallaaalka isla markaana la xoojiyo dadaalka lagu yareynaayo dhimashada carruurta.