Home WARARKA MAANTA Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada?

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada?

26
0

Khamis 2 Oct , 2025 {CBB}Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiiradda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamse ayaa waxaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda.

“Maxamed Maxamuud Cabdulle wuxuu leeyahay khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud” ayaa lagu yiri qoraalka Golaha Wasiiradda.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajakistan.

Golaha waxaa sidoo kale loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here