Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha Jubbaland oo kulan looga hadlay amniga la yeeshay maamulka degmada Afmadow

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan looga hadlay amniga la yeeshay maamulka degmada Afmadow

51
0

Sabtii 27 July 2024 {CBB}–Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose kulan looga hadlay Amniga la qaatay maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha ayaa maamulka Degmada ka dhagaystay warbixin ku aadan howlaha ka socda Degmada iyo sidii loo dardar galin lahaa adeegyada Bulshada loo hayo.

Sidoo kale, waxaa uu uga mahad celiyay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka sida ay qeyb ugu yihiin garab istaaga Ciidamada guud ahaan ee Jubaland, isaga oo faray in ay adkeeyaan Amniga.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa imaanaya xilli dhawaan Deegannada hoos yimaada Kismaayo iyo Afmadaw laga la wareegay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here