Home WARARKA MAANTA Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga ayaa maanta furay shir .

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga ayaa maanta furay shir .

19
0

Talado 6, Oct 2025 {CBB}Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta furay kulanka dib-u-eegista iyo ansixinta Manhajka Qiimaynt a Qaranka iyo Habraaca Hagaha Qaranka, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta qiimaynta, dhismaha nidaam mideysan oo lagu hago hawlaha qiimaynta, iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta dowladda.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday Manhajka Qiimaynta Qaranka, oo lagu dhisayo awoodda aqooneed ee shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha la shaqeeya, iyo Habraaca Hagaha Qaranka, oo dejinaya nidaam mideysan iyo heerar lagu hago dhammaan qiimaynta dowladeed. Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda ayaa wax ku daris iyo dhammeystir ku sameeyay labada dukumenti ee maanta si wanaagsan looga dooday.
Wasiir Ku-xigeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay labada dukumenti u leeyihiin dhismaha awood qaran oo lagu xaqiijinayo hufnaan, isla-xisaabtan iyo horumar waara. Sidoo kale, wuxuu xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta nidaam qiimayn hufan oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana taageeraya qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay isfahan guud iyo go’aanno lagu adkaynayo wada-shaqaynta, tababarrada la xiriira manhajka qiimaynta, iyo hirgelinta Habraaca Hagaha Qaranka, si loo mideeyo hab-dhaqanka qiimaynta ee dowladda iyo la-hawlgalayaasheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here