Talado 7, Oct 2025 {CBB }Tababarkan oo ku saabsanaa Horumarinta Hoggaaminta Isbeddelka ee Haweenka Booliiska, kaas oo qayb ka ah Barnaamijka Wadajirka ah ee Booliska ayaa waxaa lagu daah-furey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Bay, kaas oo furey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed.
Waxaana Tababarkan ka qeyb galay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay, Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo, La-taliyaal Sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo Quburo ka socota Booliska Qaramada Midoobay (UN Police).







