Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Shir looga hadlaay Arimaha Dastuurka Dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Sawiro;-Shir looga hadlaay Arimaha Dastuurka Dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

34
0

Axad 28 July 2024 {CBB}–Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa  lagu qabtay Madal Wada-Hadal oo ku Saabsan Qaab Dhismeedka Dowladda Federaalka iyo Dowladda Koonfur Galbeed, waxaana Madasha looga hadlayaa Wax ka Bedelka Dastuurka KMG dowladda FS.

Madasha oo Afar Maalin socon doonto, waxaa Furey Agaasimaha Madaxtooyada KGS Mudane Abdifatah Mahad Abdirahmaan, waxaana Diirada lagu saarayaa maalmaha uu socdo kulanka  Wax ka Bedelka Dastuurka Dalka.

Madasha ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirada Dastuurka Dowladda FS iyo Kan KGS, aqoonyahno iyo mas’uulin ka socotay wasaaradda Dastuurka dalka.
Furitaan kadib ayaa waxaa laga wada hadlay is waafajinta iyo wax ka bedelka Dastuurka gaar ahaan cutubyo kamid ah, waxaana la aruuriyay aragtiyo kala duwan oo wax ku darin iyo wax ka bedel ah.

Madasha ayaa maalmaha soo socdaan si aad ah loogu falanqeyn doona Qaab Dhismeedka Dowladda Federaalka iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here