Home WARARKA MAANTA Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS

Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS

38
0

Isniin, 27, Oct 2025 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilka qaaday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS, Xildhibaan Yuusuf Maxamed.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilkaasi loo magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibrow.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu arkay howsha baaxadda leh iyo shaqada hortaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uu u magacaabay Mudane Prof. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda JFS” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Prof Saalim Caliyow kula dardaarmay inuu dardar galiyo howlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here