Jimco, 14, Nov 2025 {CBB} Aljeeriya ayaa dabayaaqadii sannadkii 2024 , waxay si aan horey loo arag u dhistay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya , labadii bilood ee u dambeysay 2024 , wafuud ka socota Aljeeriya ayaa booqday Muqdisho, waxaa xigtay booqasho rasmi ah oo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ay ku tageen toddobaadkii hore dalka Aljeeriya , halkaa oo madaxweyne Xasan uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa, Cabdilmajiid Tabbuune.
Wadahadallada labada hoggaamiye , waxaa xigay heshiisyo iskaashi ah oo ay kala saxiixdeen wasiirrada labada dhinac , kuwaasoo la xiriira waxbarashada, beeraha, kalluumeysiga, tamarta, macdanta iyo iskaashiga amniga.
In ka badan boqol arday ayaa sidoo kale sannad walba laga billaabo 2026, waxaa loo diri doonaa dalka Aljeeriya si u helaan waxbarashada sare iyo tababbaro xirfadaha looga baahanyahay gudaha Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Aljeeriya , taariikhda oo dhan xiriirkooda wuxuu ahaa mid mugdi leh , waxay Aljeeriya taageertay Itoobiya inta uu socday dagaalkii 1977, waxaa xigay sannadkii 1982 oo Soomaaliya ay dharbaaxo ku dhufatay Aljeeriya , iyadoo la safatay mowqifkii Marocco ee ka soo horjeeday madax bannaanida Saxaraha Galbeed ee Sahrawi.
Aljeeriya ayaa mar kale soo laabatay waxayna bilowgii sannadkii 2024 mar kale la safatay Itoobiya , inta ay socotay dooddii is-afgaradkii badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland , markaa oo xataa Aljeeriya ay si cad u hor istaagtey iskuday ay Soomaaliya ku doonaysan in golaha ammaanka uu cambaareeyo is afgaradkaa, ma harin xilligaa Soomaaliya waxayna ka codeysay Aljeeriya ,iyadoo taageertay qaraarkii Mareykanka uu golaha ammaanka horgeeyay ee Saxaraha Galbeed ee Sahrawi loogu aqoonsaday is maamul ka tirsan Morocco.
Morocco , waxay u baahantahay xiriirka Afrikadda kale oo xaruntoodu tahay Addis Ababa, sabab la xiriirka mowqifka inta badan dalalka Afrika ee ka soo horjeeda siyaasadda Morocco ee Saxaraha Galbeed ee Sahrawi, taa oo ay doonayso Morocco in meesha laga saaro , bundada isku xireysanaysa waa Addis Ababa , halka Itoobiya ay doonayso dal leh diblomaasiyadeed xooggan oo ku xireysa khaliijka iyo reer galbeedka.
Waxaa xigtay inuu Abiy u diray wafuud kale duwan Rabat , illaa markii dambe ay Itoobiya heshiis rasmi ah oo difaac ay la gashay Morocco oo isku diyaarinaysa inay martigeliso saldhigga howlgalka Mareykanka ee AFRICOM , taa oo xoojinaysa diblomaasiyadda Morocco.
Iskaashiga Itoobiya iyo Morocco , wuxuu ka caraysiiyay Aljeeriya oo ahayd dalkii dhex dhexaadiyay Itoobiya iyo Eletaria, markii la joojinayay dagaalka labada dal ee 2000, dalkii Iskaashiga iyo kalsoonida ay ka dhexsay marka uu u leexday dhinaca Morocco , waxay Aljeeriya ku dhaqaaqday inay dhisto xiriirka Masar oo ay dhoolatus milatari oo wadajir ah ay sameeyeen bartamihii sannadkan, halkan waxaa ku jirta farriin ah ; “ Haddii aad dhinacaa u leexateen waxaan u weecday cadowgaaga.” Kaddib , waxay hadda Aljeeriya dhiseysa xiriirka Soomaaliya.
Marka la eego khariidadda cusub ee gobolka, Soomaaliya waxay ku jirtaa meel aad u xasaasi ah.
Itoobiya waxay isku dayaysaa inay jebiso nidaamka badda Soomaaliya, iyadoo adeegsaneysa xiriirkeeda cusub ee Morocco.
Rabat waxay u adeegsanaysaa Addis Ababa sidii albaab ay ku go’doomiso Polisario iyo Aljeeriya, iyada oo u muujineysa dalalka Afrika inay u baahan yihiin iskaashi dhaqaale oo cusub.
Masar waxay dagaal jiritaan oo dhab ah kula jirtaa Itoobiya arrinta Niilka darteed, halka Aljeeriya ay u aragto in Itoobiya iyo Morocco ay wadaan khariidad siyaasadeed oo ku socota in ay wiiqaan danaha Waqooyiga Afrika.
Soomaaliya haddii ay ka aamusto, waxay noqon kartaa dal lagu tunto. Haddii ay xad-dhaaf u safato Aljeeriya, waxay khasaarin kartaa Morocco oo xiriir dhaqaale iyo Carabnimo leh.
Haddii ay u janjeerto Morocco, waxay dhaawici kartaa xiriirka Afrika ee uga muhiimsan:
Aljeeriya, Masar iyo dalalka Sahara ku wareegsan.
Sidaas darteed, waxa Soomaaliya hortaalla waa hawl aan fududayn,laakiin haddii si caqli ah loo maareeyo, waxay noqon kartaa fursad dhif ah.
Waxaanu ku jirnaa xilli Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto halgankeeda siyaasadeed ee Afrika iyo Carabta.
Aljeeriya waxay muujisay diyaar u ahaanshaha inay Soomaaliya la gasho iskaashi amni, dhaqaale iyo siyaasadeed oo qoto dheeri ah.
Tani waxay fursad u tahay Soomaaliya si ay u hesho xulafo awood leh oo taageera mowqifkeeda dhuleed iyo baddeed.
Dhanka kale, Morocco waa dal muhiim u ah Carabta, xiriir dhaqaale iyo madaniyadeedna leh.
Soomaaliya ma awooddo inay lumiso midkoodna,laakiin waxay awooddaa inay labadaba ku qasbato inay Soomaaliya u arkaan lama huraan cusub oo geostrategic ah.
Taasi waxay ku imaan kartaa hal waddo oo keliya: Soomaaliya waa inay noqotaa dal dhexdhexaad istaraatiji ah, aanan cadow ka dhigan midkood, balse si miyir leh u adeegsada danaha labada dhinac.
Aljeeriya waa in lagu kasbadaa iskaashi amni iyo dhaqaale; Morocco waa in lagu helo xiriir cusub oo ku saleysan maalgelin iyo iskaashi dhaqaale, balse aan ku dhisnayn arrimaha Saxaraha ama halis gelinaya midnimada Soomaaliya.
Haddii Soomaaliya si sax ah u ciyaarto shaxdan culus, waxay noqon kartaa dal ay labadooduba ku tiirsanaadaan.
Aljeeriya waxay Soomaaliya ka heli kartaa saaxiib gobolka Geeska Afrika oo ay ku kalsoon tahay; Morocco waxay ka heli kartaa waddo ay ku sii joogteyso xiriirka Carabta iyo Afrika iyadoo aan ku khasaarin midka Saxaraha.
Gunaanadku wuxuu yahay in Soomaaliya maanta hor taagan tahay imtixaan diblomaasiyadeed oo ay natiijadiisu go’aamin karto tobankan sano ee soo socda.
Haddii ay si qaldan u dhaqanto, waxay u nuglaan doontaa isbahaysiga Itoobiya-Morocco oo beegsanaya danaha Soomaaliya.
Haddii ay si sax ah u dhaqanto, waxay noqon kartaa dal kaliya oo awood u leh inuu ka faa’iideysto khilaafka Aljeeriya iyo Morocco, una rogo fursad siyaasadeed oo ay ku dhisto miisaankeeda cusub ee Afrika iyo Carabta.







