Isniin 05 August, 2024 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DKGS mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi oo uu weheliyo Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka mudane Sharmaarke Maxamed Kuulow ayaa xilka ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DKGS mudane Dr. Ibrahim Aadam Cali (Soomow).
Munaasabadda oo aheyd mid balaaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Koonfur Galbeed, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha, shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay Kusimaha Agaasimaha Guud Dr. Cabdirashiid Cabdiqaadir Bujeeti isaga oo matalaaya Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Cabdi Cali Dogey ayaa soo jeediyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan waxqabadkii Wasaaradda Caafimaadka, howlaha horutabinta leh iyo guulaha laga gaaray qorshaha horumarinta Adeegyada Caafimaadka.
Musiiliyiintii ka hadashay madasha ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka siduu ugu soo shaqeeyay bulshada isla markaana u gutay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, sidoo kale masuuliyiinta ka hadashay madasha ayaa dadaal iyo dardaaran u jeediyay Agaasimaha Cusub ee xilka la wareegay iyagoo Alle uga baryay in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka mudane Dr. Ibraahim Aadam Cali (Soomow) oo ka hadlay madasha ayaa xusay in uu xooga saari doono sidii horey looga ambaqaadi lahaa dadaalada socda loona gaari lahaa yoolka la hiigsanayo ee ah helida adeeg caafimaad oo dhameystiran.
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka DKGS mudane Sharmaarke Maxamed Kuulow oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday dadaalka laga doonayo Agaasimaha cusub ee xilka la wareegaya iyo muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta guud ahaan shaqaalaha Dowladda KGS.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DKGS mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi oo xilka u kala wareejiyay kusimaha Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka hadlay shaqooyinka socda ee masuul ay ka tahay Wasaaradda Caafimaadka loo baahan yahay in sare loo qaado si wafaaqsan Qorshaha Xukuumadda DKGS, isaga oo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ay u hayaan bulshada reer Koonfur Galbeed.