Home WARARKA MAANTA Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka.

6
0

isniin, 17, Nov 2025 {CBB}Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane: maxamed xuseen maxamed ayaa shir-gudoomiyey, shir heerkiisu sareeyo kasoo looga hadlayey xaaladaha amniga Gobolka, Gaar ahaan Degmada Beledweeyne, taaso aay lagama maarmaan noqotay in wax laga bedelo.

Gudoomiyaha aya shirkaan la yeeshay saraakiisha ciidamada qalabka sida qeeybahooda kala duwan, sida Boliiska, militiry-ga iyo nabad sugida.

Shirkaani oo ahaa shir miisaankiisu culus yahay islamarkanaa lagu saleeynaayo xaaladaha amni ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa uu ka qabsoomay Gudaha Xaruunta saldhiga Boliska- Gobolka Hiiraan.

Kulakaani amni oo saacada badan qaatay, ayaa waxaa la isla Gartay in howalaha amniga ee ay hayaan ciidamada qalabka sida lasii laba-jibaaro, islamarkaana fiira-gaara loo-la haado meelaha ay ka imaanayaan, dul-duleeda amniga wax yeeleeynaaya.

Gaba-gabadii waxaa aay maamulka Gobolka uu horkacayo Gudoomiye: maxamed carab iyo saraakiishaba leeysla qaatay in la joogteeyo, shirarka noocaan,oo kale ah, si loo kala qaato,Awaamiir, iyo Talooyin, taasoo lagu saleeynaayo Guulaha la gaaray iyo waxa dhiman, Guud-ahaan.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa u mahad-celiyey saraakiisha amniga qeeybahooda kala duwan, shaqada adag ee aay u hayaa-bulshada weeynta Gobolka Hiiraan, waxaa uuna Gudoomiyuhu kula dardaarmay inaay Howlahooda shaqo ee amni xaqiijinta ah sii laba-jibaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here