Home WARARKA CAALAMKA Ghana oo Nus Bilyan Doollar ku bixineysa abuurka Timirta Salidda laga sameeyo

Ghana oo Nus Bilyan Doollar ku bixineysa abuurka Timirta Salidda laga sameeyo

11
0

Talaado November 18, 2025 {CBB}Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday qorshe soconaya 6 sano oo ah 2026-2032 oo la xiriira in ay nus Bilyan doollar ($500 Milyan) lagu beerayo Timirta nooca laga sameeyo Saliidda si ay dhaqaale badan uga hesho sida hadalka loo dhigay.

Warbixin lagu daabacay Barta Aljazeera ee ka faaloota Arrimaha Afrika ayaa lagu sheegay in dhulka lagu beerayo Timirta uu yahay 100 Kun oo Hektar oo beeraha cusub ah si loo kordhiyo Waxsoosaarka geedkaas faa’iida badan leh.

Baarlamaanka Ghana ayaa qaraarkaan ansixiyay Bishaan Nofeembar 2025, waa qorshaha hiigsi dheer ah oo laga dhex arkayo faa’iido badan oo sare u qaadi karta dhaqaalaha dibadda kasoo gala dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika.

Wasaaradda Maaliyadda Ghana ayaa Bishii April ee sanadkaan sheegtay in tijaabo la sameeyay lagu ogaaday in dhul gaaraya 20 kun oo hiktar dhir lagu beeray, isla sanadkaan bishii July waxa ay Dowladdu markale samaysay tijaabo kale oo lagu guulaystay.

Mashaariicdaan cusub waxa ay xukuumadda Accra ku tilmaamtay mid soo jeedin karta indhaha Dadka dhaqaalaha badan haysta ee doonaya dalal ay maalgashi ku sameystaan, waxaa sidoo kale Dalkaan uu doonayaa in dhimo ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda looga keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here