Home WARARKA CAALAMKA Trump oo bartilmaameed soo noq noqda ka dhigtay Soomaalida deggan Gobolka Minnesota.

Trump oo bartilmaameed soo noq noqda ka dhigtay Soomaalida deggan Gobolka Minnesota.

5
0

Khamiis 27, Nov 2025 {CBB}Trump ,wuxuu bartilmaameed soo noq noqda ka dhigtay Soomaalida deggan gobolka Minnesota, oo mar kale uu hadda ku sheegay inay lunsadeen malaayiin doollar si sharci darro ah , sidoo kalena ay wax u dhimayaan amniga Minnesota, mar kasta oo bulshada Soomaalida uu ka hadlayo waxaa kaloo uu ku soo daraa nidaamka dawladeed ee Soomaaliya oo uu ku sheego mid aan waxba ka jirin.

Hadalladan soo noq noqda kama marna arrimo siyaasadeed oo isugu jirta cadaadis iyo cabsi gelinta cod bixiyaasha Soomaalida , halka uu sidoo kale hadalladiisa ugu muujinayo xagjirka Mareykanka inuu yahay hoggaamiye dalkooda ka ilaalinaya soogalootiga sharci darrada ah, kuwa ku xad-gudbaya shuruucda iyo maaliyadda. Mana aha wax iska dhacaya ee waa culeys ay Soomaalidu leeyihiin.

Marka ay timaaddo waxa ay tahay in ay sameeyaan Soomaalida Mareykanka , waa inaysan Soomaalida Mareykanka ku koobnaan falcelin baraha bulshada, balse waxay u baahan yihiin inay yeeshaan hoggaan matala, oo si toos ah ugu jawaaba siyaasiyiinta hadallada ka dhankaga ah jeediya, kana qayb qaata doodaha warbaahinta Mareykanka.

Haddii aadan is matalin, cid kale ayaa kuu matalaysa, badankoodna waxay kuu sawiri doonaan si xun. Waa in bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Congress-ka, Senate-ka iyo siyaasiyiinta kale ee Mareykanka, si ay u noqdaan bulsho leh saaxiibo siyaasadeed oo difaaci kara marka ay la kulmayaan cadaadiska.

Waxaa la jooga marxalad uga baahan jaaliyadda Soomaalida feejignaan iyo isku xirnaan, tamarta badan ee ay ku bixin jireen isku soo baxyada maamul gobolleedyada iyo qabiilka waa inay markan mideeyaan oo ay diiradda saaran sidii ay u buuxin lahaayeen daldaloolada sharci ee lagu heli karo iyo isku diyaarin difaac sharci, sababtoo ah waxaa cad markan Trump inuu indhaha ku hayo Minnesota oo la arki karo tallaabooyin aysan horey u xisaabin Soomaalida kala qeybsan oo iyadoo aan la kala soo ceyn ay wajihi karaan cawaaqib aan la mahdin.

Marka laga hadlayo bahdilka iyo aflagaadada ka dhanka ah Soomaaliya , waa wax uga baahan dawladda Soomaaliya inay siyaasad ka yeelato, waa wax cad inaysan Soomaaliya ku dhiirran karin tallaabooyin ama xataa habab diblomaasiyadeed oo adag ,laakin hadana waxaa u furan safaaradda Soomaaliya ee Washington inay la shaqeyso ururrada Soomaalida si ay u diyaariyaan warbixin rasmi ah oo muujinaysa horumarka Soomaaliya, amniga Muqdisho, iyo dadaallada dawlad-dhiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here