Home WARARKA MAANTA Muxu yahay Xiriir Ay beenisay DFS Oo Kusaabsan Israa’iil ?

Muxu yahay Xiriir Ay beenisay DFS Oo Kusaabsan Israa’iil ?

32
0

Jimco 12, Dec 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay war kasoo baxay Israa’iil gaar ahaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda haweeneyda lagu magacaabo Sharren Haskel oo ahaa in Xiriir uu ka dhaxeeyo Muqdisho iyo Tel Aviv.

Waraysi ay siisay Sharren i24NEWS waxa ay ku sheegtay in xiriirka ka dhaxeeya Israa’iil iyo Soomaaliya uu ku qotomo kahortagga kooxaha Xuutiyiinta Yemen si aanay khatar ugu noqon Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Warkaas waxaa beeniyay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) oo sheegay in aanay jirin cilaaqaad kala dhaxeeya Israa’iil, Warkaasina uu yahay mid been abuur ah.

 

 

Cali Balcad ayaa intaas ku daray in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid garab istaagaya Falastiin sidaas awgeed aanay meesha imaan Karin xiriir ay la wadaagi karaan dhinaca Israa’iil, waxaana uu meesha ka saaray jiritaanka xiriirkaas.

Soomaaliya & Israa’iil weligood ma yeelan xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah iyo mid dadban, waxa ay Soomaaliya kamid tahay Dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ee sida wayn uga soo horjeeda gumaadka & dhul ballaarsiga ay wado Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here