Home WARARKA MAANTA Soomaaliya iyo Yemen oo Ka Wada Hadlay Amniga Badda Cas iyo Gobolka.

Soomaaliya iyo Yemen oo Ka Wada Hadlay Amniga Badda Cas iyo Gobolka.

22
0

Jimco 30, Jan 2026 {CBB}Intii uu socday Shirka Hindiya iyo Carabta, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Ambassador Mustafa Axmed Naaman, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Yemen.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo adkeynta is-waafajinta siyaasadeed ee labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira horumarka ka jira Badda Cas, Geeska Afrika, iyo guud ahaan xaaladda gobolka. Labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan caqabadaha amni ee wadajirka ah, iyagoo mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga marin-biyoodka iyo nabadda gobolka.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la xoojiyo isku-xirnaanta diblomaasiyadeed isla markaana la joogteeyo wadatashiyo dhow oo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danaha wadajirka ah ee Labadda dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here