Home WARARKA MAANTA Maraykanka oo Hub siiyay Ciidanka Federaalka ee ka howlgalaya Shabeelaha Dhexe

Maraykanka oo Hub siiyay Ciidanka Federaalka ee ka howlgalaya Shabeelaha Dhexe

14
0

Arbaco 4 Feb 2026 {CBB}Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa hub iyo agab ciidan ku wareejiyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kawada Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Saraakiil katirsan Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in Hubkaan iyo agabkaan Militari ay muhiim u yihiin sii wadista howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maraykanka uga mahadcelisay garab istaagga ay Dowladdaas u muujisay Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ku jira sida hadalka loo dhigay.

Maraykanka ayaa taageera Ciidamada Kumaandooska Danab oo Tababarkooda & Hubkooda ay bixisay Dowladdaas, waxaa intaas dheer in Ciidamada Taliska AFRICOM kala qaybgalaan howlgallada qaar sida duqaymo ay fuliyaan iyo kuwo dhulka ah oo si wadajir ah u fuliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here