Home WARARKA MAANTA Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay shilka diyaaradeed ee ka dhacay...

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Muqdisho

7
0

Talaado 10 Feb 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in diyaaradda ay ka kacday Garoonka Aadan Cadde, iyadoo muddo daqiiqado ah hawada ku jirtana ay qabsatay cilad farsamo.

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa tilmaamay in Duuliyaha diyaaradda isku dayay inuu dib ugu soo laabto garoonka si uu degdeg ugu dego, balse intii ay ku guda jirtay isku daygaas ayay diyaaraddu ka baxday dhabaha loogu talagalay, iyadoo ku dhacday dhanka xeebta ee garoonka ku dhow.

Maareeyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo shilka diyaaradda ka dhashay, waxaana lasoo badbaadiyey dhammaan rakaabkii la socday.

Saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay saarnaayeen 55 qof, kuwaas oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalihii diyaaradda.

Kooxaha gurmadka degdega ah iyo dab-damiska garoonka ayaa durbadiiba gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo ku guulleystay in si nabad ah rakaabka loo soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here