Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Culimada iyo Wasaaradda Diinta Koonfur Galbeed oo shaaciyey curashada Bisha Ramadaan

Sawiro;-Culimada iyo Wasaaradda Diinta Koonfur Galbeed oo shaaciyey curashada Bisha Ramadaan

4
0

Talaado 17 Feb 2026 {CBB}Culimada ka tirsan Masaajidka Weyn ee Jaamaca Magaalada Baydhabo iyo guddiga ka socday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in la arkay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

War ka soo baxay kulanka culimada iyo mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa lagu shaaciyey in maalinta berri oo Arbaca ah, taariikhduna ku beegan tahay 18/02/2026, ay tahay kowda bisha Ramadaan, Insha Allaah.

Kulanka lagu xaqiijinayey aragtida bisha waxaa ka qeyb galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed,  Nuur Siidow Baaba, Agaasimaha Guud Mubaarka Cabdi Salaam Xaaji, iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Mas’uuliyiinta iyo culimada ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Koonfur Galbeed, curashada bisha Barakeysan ee Ramadaan, iyagoo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fadliga bisha, is cafiyaan, isla markaana xoojiyaan cibaadada, samafalka iyo midnimada.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shacabka ugu dirtay hambalyo ku aaddan Ramadaan, iyagoo yiri: “Ramadan Mubaarak.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here