Arbaco18 March 2026 {CBB} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa eedeymo u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Laftagareen oo khudbad u jeedinayay shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in safarkiisii u dambeeyay uu caqabado badan kala kulmay, balse uu ugu dambeyn yimid Baydhabo.
Sidoo kale, wuxuu si kulul uga hadlay dadka laga celiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.
“In maalintii saddexaad garoonka Muqdisho dad lagu celiyo ma aqbaleyno. Garoonka Aadan Cadde waa hanti qaran, waana in loo sinaadaa,” ayuu yiri Laftagareen.
Laftagareen oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo is mari-waaga taagan, ayaa xusay inay dhowr jeer isku dayeen inay is faham ka gaaraan doorashada balse aan laga jawaabin.
“Na fasax ayaan muddo saacado ah ku laheyn Madaxweyne Xasan Shiikh, aan qabsano doorasho,” ayuu yiri, taas oo muujinaysa in maamulkiisu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo dhanka doorashooyinka heer dowlad goboleed.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa codsi u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladda dalku ay u baahan tahay wada hadal iyo in la isku yimaado.
Hadalka Madaxweyne Laftagareen ayaa imaanaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Koofur Galbeed oo shalay hakisay xiriirka ay la leedahay Xukumadda Soomaaliya.







