Home WARARKA MAANTA Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shir Degdeg ah oo Looga Hadlay...

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shir Degdeg ah oo Looga Hadlay Xaaladda Amniga Deegaannada Koonfur Galbeed

0
2

Axad 1 Nev 2026 {CBB}BAYDHABO: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta howlaha sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Intii uu shirku socday, waxaa la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda amni, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo hantidooda.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku adkeeyey hay’adaha ay khuseyso in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana dardargeliyo howlaha ay hay’adaha amnigu u hayaan bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo hantidooda ay tahay masuuliyad koowaad oo ay Dowladda Koonfur Galbeed mudnaan gaar ah siinayso.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eleey), Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Isaaq Maxamed Korsaar, iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan (Laamey).

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda deegaannadeeda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here