Axad 1 Nev 2026 {CBB}Warbixin ay baahisay warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg ayaa sheegtay in qiyaastii 94% duullimaadyadii ka ambabaxayay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh la baajiyay intii u dhexeysay 10-kii iyo 27-kii Oktoobar, kaddib weerarro ay Xuutiyiintu fuliyeen.
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa la sheegay inuu dhacay 10-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 12 qof, isla markaana sababay in mas’uuliyiintu hakiyaan howlihii garoonka diyaaradaha.
Warbixintu waxay tilmaantay in weerarradaasi ay sii kordhiyeen carqaladaha ku yimid isu-socodka duullimaadyada gobolka, kuwaas oo horeyba u saameeyay xaaladda dagaalka Iiraan.
Dhanka kale, xogta dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ee FlightRadar ayaa muujinaysa in carqalado dhanka duullimaadyada ah ay weli ka jiraan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Boqor Fahad, oo ku yaalla magaalada Dammam ee bariga Sacuudiga.
Xaaladdan ayaa muujinaysa saameynta ay xiisadaha amni ee gobolka ku yeelan karaan isu-socodka duullimaadyada iyo howlaha garoomada diyaaradaha.







