Home WARARKA CAALAMKA QM oo baaraysa shaqaale katirsan oo ku dhintay Xabsiyada Xuutiyiinta

QM oo baaraysa shaqaale katirsan oo ku dhintay Xabsiyada Xuutiyiinta

1
0

Axad 1 Nev 2026 {CBB}Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo howlwadeenno katirsan oo ku dhintay Xabsi ay maamusho Kooxda Xuutiga ee Dalka Yemen, waxaana ay soo jeedisay in albaabada loo furo kooxahaaa wax baaraya si ay xaqiiqada uga dabatagaan.

Geerida Mohammed El-Shami oo ahaa mas’uul katirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka waxaa xiray Xuutiyiinta 6dii June 2024 waxaana ugu dambayn uu ku dhex dhintay Xabsigii lagu hayay Ninkaas.

Waxaa ka horreeyay sarkaal katirsan Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP oo sannadkii 2025 la dilay iyada oo aanay jirin faahfaahin buuxda oo ehelkiisa lala wadaagay waana tan keentay in ay walaac xooggan muujiyaan howlwadeennada Qaramada Midoobay.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxaha Xuutiga ah ee Yemen, kaas oo ku saabsan geerida labada sarkaal ee Qaramada Midoobay katirsan, haddii ay aqbalayaan guddi madaxbannaan oo baara arrintaas iyo ehelka dadkaas in loo bandhigo warbixinno lagu qanci karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here