Home WARARKA MAANTA Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi.

Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi.

1
0

Axad 1 Nev 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Abubakar Sherif iyo Wasiir Ku- Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cisman Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa qaabilay Mudane Salim bin Habib bin Salam Al Amiri, Safiirka Dowladda Cumaan u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Cumaan, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Sidoo kale, waxaa la isla falanqeeyay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka ganacsi iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here