Home WARARKA MAANTA Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo baaq u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo baaq u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

0
1

Khamiis 19 March 2026 {CBB}Lataliyaha Madaxweynaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Prof. Xaayow, ayaa baaq rasmi ah u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Prof. Xaayow ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu door firfircoon ka qaato xasillinta xaaladaha siyaasadeed ee jira, isla markaana uu ilaaliyo wadajirka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Lataliyaha ayaa xusay in muhiim ay tahay in Baarlamaanka Federaalka uu noqdo madal mideysa aragtiyada kala duwan, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf siyaasadeed oo hor leh.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in la dardar geliyo howlaha sharci-dejinta ee muhiimka u ah dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta dowladnimada iyo adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn, Prof. Xaayow ayaa ku booriyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo guud ahaan xildhibaannada inay ka shaqeeyaan danta guud, kana hormariyaan midnimada iyo xasilloonida dalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here