Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Baydhabo kaga hadlay xaaladda amni ee deegaannada maamulkaas iyo waxa uu ku tilmaamay cadaadis lagu hayo.
Wasiirka ayaa si kulul u cambaareeyay falal uu sheegay in ay wadaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in ay jirto faragelin iyo cadaadis lagu hayo maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed.
Mudane Xasan Cabduqaadir ayaa farriin u diray ciidamada ka soo jeeda Koonfur Galbeed, meel kasta oo ay joogaan, isagoo ugu baaqay inay u istaagaan difaaca dowladooda iyo dadkooda.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ciidamada ka soo jeeda Koonfur Galbeed, gudaha iyo dibaddaba, in ay u midoobaan difaaca sharafka, jiritaanka iyo badbaadada dowladooda,” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay xaq u leeyihiin nabad, horumar iyo cadaalad, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo wiiqaya dowladnimadooda iyo xuquuqdooda.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socdaan xaaladda ka jirta Koonfur Galbeed, islamarkaana ay door ka qaataan ka hortagga waxa uu ku tilmaamay xadgudubyada jira.







