Isniin 23 March 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo Doorasho dadban lana mid ah tii uu qabsaday Dhiggiisa Jubbaland, Axmed Maxamed Maxamed Islaam Madoobe.
Haddaba maxay ku kala duwan yihiin labadaan Doorasho? Maxaysa isaga mid yihiin?
Isbarbardhig kooban haddii aynu ku samaynayo waxyaabaha ay ka siman yihiin Doorashada uu Qabsaday Axmed Madoobe iyo tan uu qabanayo Cabdicasiis Laftagareen,
1-Xubnaha Mucaaradka ku ah labadaan Hoggaamiye oo ay is qabteen waxa ay Axmed Madoobe & Laftagareen ka xayireen Kismaayo iyo Baydhabo si aanay u saamayn dib u doorashadooda.
2-Waxa ay qayb ka ahaayeen heshiiska lagu saxiixay Doorashada Dadweyne si meesha looga saaro doorasho dadban iyo dhammaystirka Dastuurka Dalka.
3-Waxa ay eed kulul u jeediyeen Dowladda Federaalka iyaga oo sheegay in ay hakiyeen wadashaqaynta kala dhaxeysa.
Cabdicasiis Laftagareen muxuu uga duwan yahay Axmed Madoobe?
1-Waxa uu noqday xubin ay isku Xisbi noqdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna qancay in la qabto Doorasho Dadweyne.
2-Muddo 3 sano ka badan ayuu fadhiyay Baydhabo isaga oo aan haysan muddo xileed rasmi ah maadaama waqtigiisa uu idlaaday 2022.
3-Maamulkiisa waxaa kasii hoosbaxaya Magaalooyin kala duwan iyada oo xubnaha Mucaaradka ah iyo mas’uuliyiin Federaal ay ka wadaan Abaabul Siyaasadeed & Mid Ciidan oo Xooggan.
Go’aanka Dowladda Federaalka waa mid cad waayo shalay waxa ay soosaartay bayaan ay ku caddaysay in muddo xileedka Cabdicasiis Laftagareen uu idlaaday, mowqifka natiijo weliba oo kasoo baxda Doorashadaas waa in ay diidi doonto.
Laftagareen waxa uu ka baxay Safka Dowladda Federaalka welina si toos ah uma gelin Madasha Mucaaradka maadaama Dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu horay u sheegay in Madaxweynihii Maamul Goboleed ee qabsada Doorasho uu kusoo biiri karo.







