Isniin 23 March 2026 {CBB}Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa kulan muhiim ah la qaatay maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur, iyo saraakiisha ciidamada kala duwan ee ku sugan degmada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee degmada iyo guud ahaan gobolka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo dardargelinta howlaha horumarineed ee ka socda deegaanka. Mas’uuliyiinta maamulka ayaa wafdiga la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladaha jira, caqabadaha amni iyo adeeg ee taagan, iyo baahiyaha degdegga ah ee u baahan in wax laga qabto.
Saraakiisha ciidamada ayaa dhankooda ka hadlay dadaallada ay ku xaqiijinayaan amniga, iyagoo tilmaamay guulo la gaaray iyo meelaha u baahan in la sii xoojiyo. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa oo ka dhexeeya ciidamada iyo shacabka.
Wafdiga Dowladda Federaalka ayaa bogaadiyey shaqada ay hayaan maamulka iyo ciidamada, iyagoo ballan qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso gobolka, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xasillinta iyo horumarka degmada Xudur iyo guud ahaan gobolka Bakool.