Talaado 24 March 2026 {CBB} Wasaaradda Gaadiidka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu sheegay in wax diyaarado ah oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Koonfur Galbeed aan lagu soo degi karin garoomada diyaaradaha ee ku yaala deegaanada maamulka.
Amar kan ayaa lagu xaqiijinayaa in dhammaan duulimaadyada diyaaradaha ee ku saabsan Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin ogolaansho gaar ah oo ka timaadda Wasaaradda Gaadiidka ee maamulka.
Amarkan ayaa lagu taageerayaa dadaallada amniga iyo xakameynta duulimaadyada si loo hubiyo in garoomada diyaaradaha aysan u noqon kuwo amni darro ah, isla markaana loo ilaaliyo inaysan khatar gelin shacabka ku nool gobolka
Waxaana sidoo kale la sheegay in wasaaradda ay qaadi doonto tallaabooyin sharciyeed haddii ay jiraan diyaarado soo dagay iyagoo aan haysan ogolaansho.
Wasaaradda Gaadiidka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha duulimaadyada ay si toos ah ula xiriiraan maamulka Koonfur Galbeed si ay u helaan ogolaanshaha lagama maarmaanka ah ka hor inta aysan duulin ama aysan soo degin.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan ilaalinta amniga guud ee gobolka iyo xaqiijinta in diyaaradaha ay ku socdaan siyaabo waafaqsan sharciyada dalka.


