Arbaco 25 March 2026 {CBB}Dowladda Iiraan ayaa markale beenisay in ay wadahadal la waddo Maraykanka kaddib markii Madaxweynaha Dalkaas, Donald Trump uu sheegay in dedaallada Wadaxaajoodka uu socdo isla markaana uu rajanayo inay Tehran fuliso shuruudaha ay dhankooda hordhigeen.
Afhayeenka Xarunta Khaatam Al-Anbiyaa ee laga maamulo howlgallada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo lagu magacaabo Ebrahim Zolfaghari ayaa sheegay in aanay jirin sidoo kalena jiri doonnin wax wadahadal ah.
Waxa uu hadalka Donald Trump ku sifeeyay in wadahadalka uu had iyo jeer ku celcelinayo in uu yahay mid Maraykanka naftiisa xaajoonayo maadaama aanay jirin wadahadal dhankooda ula socdo sida uu hadalka u dhigay.
Trump oo billowgii duullaanka Iiraan ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay in ay billaabeen weerarka soona afjari doonnaan balse waxaa hadalkaas ka falcelisay Iiraan oo sheegtay in Washington ay lahayd billowga laakiin dhammaadka iyagu maamulaan.



