Arbaco 25 March 2026 {CBB}Ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno dhaca inta u dhaxaysa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Howlgalladaan ayaa daba socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo saacadihii lasoo dhaafay ay wadeen Ciidamada Dowladda Federaalka si ay uga hortagaan ‘AS’ oo xoogga saaray deegaanno dhowaan ay dib uga qabsadeen ciidamada Xoogga Dalka.
Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay adkaynta nabadgalyada isu socodka Degmada Balcad iyo Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jowhar oo ah marin muhiim u ah howlgalladooda.
Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax ka baddelay qorshaha howlgalladooda iyaga oo qariyay xogta dhaqdhaqaaqooda balse natiijada kasoo baxda waxa ay soo bandhigaan marka uu soo idlaado howlgalkooda.







