Home WARARKA MAANTA DEG DEG;- Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Beeniyay Wararka Diyaarad Ciidan oo...

DEG DEG;- Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Beeniyay Wararka Diyaarad Ciidan oo La Soo Riday

1
0

Talaado  24 March 2026 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha  Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdiqaadir, ayaa si cad u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in diyaarad ciidan ay ku dhacday ama ay soo rideen ciidamada maamulka Kgs .

Wasiirka ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uu yahay warar been abuur ah oo lagu marin habaabinayo shacabka. Wuxuu xusay in aysan jirin wax dhacdo ah oo noocaasi ah oo ka dhacay deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana ay ku kalsoonaadaan wararka rasmiga ah ee ka soo baxa hay’adaha dowladda.

Beeninta maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaneysa xilli baraha bulshada si weyn loogu hadal hayay wararka la xiriira diyaarad ciidan oo la sheegay inay ku dhacday deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo hadda si rasmi ah loo beeniyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here