Home WARARKA MAANTA Kulan Muqdisho ku dhaxmaray Taliyaha Ciidanka XDS iyo Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka...

Kulan Muqdisho ku dhaxmaray Taliyaha Ciidanka XDS iyo Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka.

0
1

Talaado  24 March 2026 {CBB}Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka ee Afrika /Special Operations Command of Africa (SOCAF), Major General Claude K. Tudor.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here