Arbaco 25 March 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay in uu cafis u fidiyay Ciidamada katirsanaa maamulkiisa ee isaga baxay iyo kuwa mucaaradka ah ee kasoo horjeeda sida uu sheegay Afhayeenkiisa.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay in uu fursad aan xadidnayn uu siiyay Ciidamadaas si looga baaqsado dagaal ay la galaan Maamulkiisa, waxaana uu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan ciddii u hoggaansamaysa arrintaan sida uu hadalka u dhigay.
Laftagareen oo soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka uu damacsan yahay maamulkiisa waxa uu shaaciyay in ay soo dhaweynayaan musharrax weliba oo xildoon ah isla markaana amnigiisa ay sugayaan sida uu yiri.
Xiisadda u dhaxaysa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo mucaaradka kasoo horjeeda ayaa gaartay meel sare iyada oo dhinacyadaan loogu baaqay in ay joojiyaan dhaqdhaqaaq ciidan ee iska soo horjeeda oo halis ku ah xasiloonida Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.



