Home WARARKA MAANTA Sawiro;- DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo wada-tashi la yeeshay Odeyaasha...

Sawiro;- DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo wada-tashi la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka

1
0

Arbaco 25 March 2026 {CBB}Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka ee deegaanada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin hirgelinta doorashooyin hufan, wacyigelinta bulshada, iyo kor u qaadidda ka qaybgalka dadweynaha. Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga dooday caqabadaha jira ee horyaalla geeddi-socodka doorashooyinka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo xaqiijiyo doorashooyin nabdoon oo cadaalad ah.

Guddiga Doorashooyinka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha dowladda iyo bulshada, gaar ahaan odeyaasha dhaqanka oo door weyn ka qaata nabadda, xasilloonida, iyo mideynta bulshada.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ayaa si diirran u soo dhoweeyay kulanka, iyagoo muujiyay diyaar-garow buuxa oo ay ku taageerayaan hannaanka doorashooyinka. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la joogteeyo wada-tashiyada noocan oo kale ah si loo xoojiyo kalsoonida iyo wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo hanaanka doorashooyinka Koonfur Galbeed, iyadoo la xoojinayo doorka bulshada ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here