Arbaco 25 March 2026 {CBB}Golaha Wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Sareeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyagoo xilkaasi u magacaabay Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiirka Caddaaladda Xukumadda Federaalka soo jeediyay xilka qaadista Taliyaha Ciidanka Asluubta.
“Golaha Wasiiradda waxaa ay ansixiyeen soo jeedinta Wasiirka Caddaaladda XFS ee magacaabista Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo noqon doona Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Wasiirrada.
Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo aadaya xilli ay meeshii ugu sarreysay gaartay Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed.
Taliyaha xilka laga qaaday ee Sarreeye Guuto Mahad ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Shalay ayay ahayd markii degmada Waajiid ee gobolka Bakool loo magacaabay maamul cusub oo hoostaga dowladda dhexe, halka xilalkii laga xayuubiyey taliyeyaal badan oo la rumeysan yahay inay daacad u ahaayeen Madaxweynaha Koofur Galbeed, Lafta-gareen.







