Arbaco 25 March 2026 {CBB}Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas uu muddo ka badan 10 sanno ka tirsanaa.
Iscasilaada Xildhibaan Odawaa ayuu sabab uga dhigay kala aragti duwanaansho muddo kala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xildhibaan Odawaa ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kala aragti duwanaasha isaga iyo madaxweynaha ay salka ku hayso 5 qodob oo uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Shanta qodob uu Xildhibaan Odawaa ku daabacay bartiisa Facebook ayaa kala ah:-
1- In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda
2- Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo.
3- Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda.
4- Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
5-Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey.
Ugu dambeyn Odawaa ayaa warsaxaafadeedkiisa ku soo gabagabeeyay, “Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.”
Sida ay Mustaqbal Media ogaatay muddooyinkii dambe waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Xisbiga, qaar kood ayaa la arkayay iyaga oo baraha bulshada ku daabacay qoraallo ay ku dhaliilayaan habka ay dowladda u wajahday maamulka Koonfur Galbeed.



