Khamiis 26 March 2026 {CBB}Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay wado dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo lagu xallinayo dagaalka Bariga Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in dagaalka Bariga Dhexe saameyn ku yeeshay xaaladda gobolka, isla markaasna loo baahan yahay in la soo afjaro.
Wasiir Fidan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa dalka Iran, Abbas Araghchi, isagoo kala hadlay saameynta dagaalka iyo khasaaraha gaarey dalkaasi.
Sidoo kale, Wasiir Fidan ayaa xiriir la sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Ishaq Dar, iyagoo wada hadalladooda diirada ku saarey dadaallada caalamiga ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.
Hakan Fidan wuxuu sidoo kale la xiriiray wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Shiinaha, Suuriya, Qatar, iyo Uzbekistan, si looga tashado xaaladda taagan.
Dagaalkan oo ay Iiraan si wadajir ah ugu qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil ayaa bilowday 28-kii Febraayo, iyadoo ay ku geeriyoodeen dad badan oo uu kamid yahay Hoggaamiyihii dalka Iiraan, Cali Khameini







