Home WARARKA MAANTA Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo kulan la qaatay ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo kulan la qaatay ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM

2
0

Arbaco 11 Nov 2026 {CBB}Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminaysay Marwo SungAh Lee, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) u qaabilsan Maamulka iyo Dib-u-habaynta.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii barnaamijyada iyo mashaariicda IOM loo waafajin lahaa mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), gaar ahaan wax ka qabashada baahiyaha barakacayaasha gudaha iyo bulshooyinka martigeliya, iyo sidii loo abuuri lahaa fursado dhaqaale oo waara.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta nidaamyada dowladda, isku-duwidda deeqaha iyo horumarinta hababka kormeerka iyo qiimaynta barnaamijyada ay IOM ka fuliso Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo wafdiga IOM ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo xaqiijiyo in taageerada iyo mashaariicda hay’addu ay la jaanqaadaan qorshayaasha horumarineed ee dowladda, isla markaana ay wax ku ool u noqdaan baahiyaha bulshada.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah, si loo dardargeliyo qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha, wax looga qabto barakaca, loona abuuro fursado nololeed oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here