Home WARARKA MAANTA Dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka oo kulan ku yeeshay...

Dowladda Federaalka iyo xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

1
0

Arbaco 11 Nov 2026 {CBB}Kulan xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaray xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka tirsan Madasha Mustaqbalka ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen qodobo muhiim ah oo la xiriira amniga qaranka, doorashooyinka iyo xoojinta kalsoonida siyaasadeed.

 

Qodobbada la sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Ka fogaanshaha siyaasadaynta amniga: Labada dhinac ayaa isku afgartay inay ka fogaadaan siyaasadaynta arrimaha amniga qaranka.
  2. La-dagaallanka argagixisada: In si wadajir ah looga hortago kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana labada dhinac ay meel uga soo wada jeestaan la-dagaallanka kooxahaasi.
  3. Doorasho heshiis lagu yahay: In dalka laga qabto doorasho ku dhisan heshiis iyo is-afgarad siyaasadeed oo ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
  4. Dhisidda kalsoonida: In la xoojiyo kalsoonida iyo wada-shaqeynta labada dhinac, si loo abuuro jawi siyaasadeed oo horseeda wada-hadal iyo is-afgarad.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kulanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad; Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cabdullaahi Cusmaan; Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed; iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Korneel Xasan Cali Nuur (Shuute).

Dhanka Madasha Mustaqbalka waxaa kulanka ka qaybgalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed; Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre; Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame; Xildhibaan Cabdullaahi Carab; iyo Maxamed Aadan Koofi.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ay dalka ka socdaan dadaallo la xiriira wada-hadallada siyaasadeed, amniga iyo mustaqbalka doorashooyinka, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here