Jimco 27 March 2026 {CBB}Dayax gacmeedka Iiraan ay cirka u dirtay sanadkii 2022 ee lagu magacaabo Khayyam ayaa ka gacansiiyay fududaynta xogaha goobaha ay beegsanayso Tehran maadaama uu awood buuxda u leeyahay in uu basaaso Saldhigyada, Magaalooyinka iyo goobaha muhiimka ah.
Miisaankiisu waa 650 Kiilo garaam isaga oo sawirrada u dira saldhig ku yaalla Ruushka kaddibna lala wadaagayo dayax gacmeedyada yaryar si loo marin habaabiyo haddii Maraykanka, Israa’iil iyo xulufadooda isku dayaan in ay raadraacaan.
Warbixinta uu soo diro Khayyam waxa ay si toos ah ugu dhacdaa Saldhigga Bailkonur ee Ku yaalla Ruushka, waxa uu ku wareegaa dhul dhirirkiisu gaarayo ku dhowaad 500 oo kiilo mitir sida lagu xusay Warbixintaan lasoo gudbiyay.
Awoodda Khayyam waa in uu soo basaaso Xeryaha Ciidanka, Xarumaha Sirdoonka, Ilaha Dhaqaalaha iyo kuwa laga maamulo teknoolajiyadda casriga ah si ay Tehran uga hortagto halis weliba oo ka dhan ah jiritaankeeda.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa mar uu la hadlay Foxes News u sheegay in Ruushka uu taageerro Iiraan qaddar yar balse xiligaas waxaa warka ugu dambeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo sheegay in xiriirka kala dhaxeeya Moscow uu aad u wanaagsan yahay.
Dalal kamid ah kuwa reer galbeedka ayaa ka walaacsan Dayax gacmeedka Iiraan ee Khayyam oo sidoo kale lagu magacaabo (Indhaha Cirka Jira) waxa uu walaacoodu ku salaysan yahay in saldhigyadooda iyo dalalkooda lagu basaasay oo xogtooda ay haysato Tehran.
Iiraan ayaa iska dhistay dhinac weliba sida Ciidamada Dhulka, Badda, Cirka, Gantaallada casriga ah iyo Teknoolajiyadda iyada oo ku jiifan jirtay in mar uun ay soo weerarayaan cadawgeeda oo marar badan sameeyay isku dayo ay ku jabeen.







