Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasaaradda Amniga KGS oo Soo Gabagabeysay Tababar ku Saabsan Baarista Tacaddiyada Jinsiga...

Sawiro;-Wasaaradda Amniga KGS oo Soo Gabagabeysay Tababar ku Saabsan Baarista Tacaddiyada Jinsiga (GBV).

1
0

Jimco 27 March 2026 {CBB}Baydhabo – Wasaaradda Amniga Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar muhiim ah oo ku saabsanaa baarista tacaddiyada ku saleysan jinsiga (GBV), kaas oo loo qabtay xubno ka kala socday Booliska, wakiillo bulshada ah, iyo qaar ka mid ah wasaaradaha Koonfur Galbeed.

Tababarkan oo socday muddo cayiman ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la tacaalidda kiisaska tacaddiyada jinsiga, iyadoo si gaar ah loo barayay farsamooyinka baarista, ilaalinta dhibbanayaasha, iyo habraacyada cadaaladeed ee ku saleysan xuquuqda aadanaha.

Xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga, Mudane Maxamed Yusuf, oo ay weheliyeen Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gaarka ah. Mas’uuliyiintan ayaa si weyn u bogaadiyay muhiimadda tababarkani u leeyahay horumarinta tayada shaqo ee hay’adaha ammaanka iyo kor u qaadidda kalsoonida bulshada.

Mudane Maxamed Yusuf ayaa sheegay in Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo tacaddiyada jinsiga, isaga oo ku boorriyay ka qeybgalayaasha inay aqoontii ay barteen u adeegsadaan ilaalinta bulshada iyo xaqiijinta cadaaladda.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga ayaa caddeysay inay sii wadi doonto qabashada tababaro noocan oo kale ah, si loo helo bulsho ammaan ah oo ka madax bannaan tacaddiyada, loona dhiso hay’ado awood leh oo si hufan uga jawaaba cabashooyinka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here