Jimco 27 March 2026 {CBB}Baydhabo – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Xuseen, ayaa si kulul uga hadlay tallaabo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii maanta si xoog ah loola wareegay kastamka canshuuraha ee degmada Afgooye.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada booliska, islamarkaana uu u dhacay si ka baxsan nidaamka sharciga, isagoo xusay in tacaddi iyo jirdil loo geystay qaar ka mid ah shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda ee ka howlgalayay kastamka.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa tallaabada sharci-darrada ah ee lagu qabsaday kastamka Afgooye, taas oo si cad u muujineysa xadgudub ka dhan ah maamulka iyo hay’adaha Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Wasiir Axmed Maxamed Xuseen.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhacdadan aysan ahayn oo keliya arrin siyaasadeed, balse ay tahay, sida uu hadalka u dhigay, qorshe la doonayo in lagu wiiqo laguna burburiyo hay’adaha dowladnimo ee Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, weli ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymahaasi, inkastoo xaaladda Afgooye ay kicisay hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda KGS ayaa ugu baaqay hay’adaha ay khuseyso in si degdeg ah wax looga qabto arrintan, isla markaana la ilaaliyo sharciga iyo wadajirka dowladnimo ee dalka.







